وقال سبحانه : ﴿ وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ
وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا
﴿٨٢﴾
Waxaana soo dajinaynaa Qur’aanka Isagoo caafimaad iyo
Naxariis u ah Mu’miniinta, Dalimiintana uma siyaadiyo Waxaan Khasaare
ahayn.
وقال سبحانه : ﴿ إِنَّ الَّذِينَ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ
وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً
يَرْجُونَ تِجَارَةً لَّن تَبُورَ ﴿٢٩﴾
Kuwa Akhriya Kitaabka Alle oo salaadda ooga oo wax ka
nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qaarsoodi iyo caddaanba waxay
rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin.
عن أبي أمامة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه
وسلم يقول: " اقرءوا القرآن فإنه يأتي يوم القيامة شفيعًا لأصحابه"
((رواه مسلم)).
Abii umaamah (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle
(S.C.W.) oo leh: Darsa Quraanka (si joogta ah), maxaa yeelay wuxuu u ahaan
doonaa shafeece iyo garab akhristayaashiisa Maalinta Qiyaamaha. (Muslim)
وعن النواس بن سمعان
رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: "يؤتى يوم
القيامة بالقرآن وأهله الذين كانو يعملون به في الدنيا تقدمه سورة البقرة وآل
عمران تحاجان عن صاحبهما " ((رواه مسلم)).
Nawwaas bin Samcaan (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga
(S.C.W.) oo leh: Maalinta Qiyaamaha Qur’aanka sidoo kale waa lala keeni
doonaa kii ku camal falay adduunyadan. Hortiisa isaga, oo Suuradaha
Al-Baqrah iyo Aal-Cimraan baa hogaamin doona iyagoo u doodaaya dadkii
akhrisan jirey suuradahan adduunkii. (Muslim)